Farmaajo iyo Geelle oo wahadal Taleefonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu Telafoonka uu kula hadlay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo kawada hadlay isbedaladda Geeska Afrika.

Labadda masuul ayaa arrimaha ay isla soo qaadeen waxaa qayb ka ah dadaaladda dib loogu soo celinayo cilaaqaadka Jabuuti iyo Eritrea oo ay dowladda Soomaaliya kaalin fiican ka qaadaneyso.

Mahad-naqa gaar ah ayey Farmaajo iyo Geelle iska siiyeen doorka ay Soomaaliya ka qaadatay waan-waanta socota, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in gobolka colaado ka fogaado.

Todobaadkan ayey ahayd markii Wasiiro arrimo dibadeedyadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay gaareen magaaalo madaxda Jabuuti, halkaasoo ay kulan la yeesheen madaxda dalkaas.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa kulankaasi kadib kala saxiixday heshiis horudhac u ah soo celinta cilaaqaadka labadda dal, kuwaasoo tan iyo sanadkii 2007-dii ka dhaxaysay xurguf salka ku haysa Dhul xuduudka ku yaala.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Labadaan dal waxaa si xoogan usoo dhaweeyay Ururka Midowga Afrika, iyo Mucaaradka Jabuuti, kuwaasoo ku baaqay in la adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wadahadalka khadka Taleefonka ee labada Madaxweyne ayaa kusoo beegmay xilli maanta Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf uu qoraal Luuqadda Carabiga ku qornaa uga mahadceliyay Sacuudiga iyo Eithiopia doorkooda dhexdhexaadinta Eritrea iyo Jabuuti. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM