Farmaajo iyo Ismaaciil Geelle oo is-afgarad ku gaarey Jabuuti

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Axada maanta ah ku kulmay magaaladda D-Jabuuti, caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa nan la ogeyn qodobadda dhabta ah oo ay kawada xaajoodeen.

Balse Madaxtooyadda Qaranka ayaa waxay shaacisay in ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labadda dal ee walaalaha ah.

"Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi," ayay raacisay Villa Soomaaliya.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale la fahansan yahay in ay isla soo qaadeen arrimo quseeya gobolka gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo wada guluf ka dhan ah Al-Shabaab muddo ka badan tobban sano.

Arimaha Geeska Afrika ka taagan marka laga soo tago amniga ayaa waxaa qayb ka ah dacwadda dhanka badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

Kiiskaasi oo ay ICJ dib u bilaabeyso dhageysigiisa bisha September ayaa taagnaa tan iyo 2014-kii, waxaana uu ku saleysan yahay goob hodan ku ah Shidaal iyo Gaas oo ku taala sohdinta labada dal.

Dalka Jabuuti ayaa dhowaan ka diiday Kenya in uu uga tanaasulo kursi aan joogteyn ahayn oo yaala Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna u wada tartamayaan dalalka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM