Farmaajo: Jawaariyow anigaa tanaasuley iyadoo la i jecel yahay [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka.

Farmaajo oo munaasabada khudbada ka jeediyay ayaa ka hadlay Is-casilaadii Maxamed Cismaan Jawaari ee uu isaga casilay xilka gudoomiyaha Gollaha Shacabka, kadib khilaaf mudo bil ah socday.

Madaxweynaha ayaa dib u milicsaday Taariikhdiisa Siyaasadeed, isagoo xusuusiyey Jawaari tanaasulkii uu sameeyay sanadkii 2011, ee uu isaga casilay xilka Ra'iisul Wasaaraha dowladdii Sheekh Shariif.

“Jawaariyow anigaa soo tanaasulay, iyadoo la i leeyahay dadka ayaa ku raba ee ha tanaasulin, wuxuu ilaaheey iigu bedelayna waad aragtaa," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay Xildhibaanada.

Farmaajo ayaa gudoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka ku amaaney waxqabad iyo inuu yahay shaqsi leh khibrad qoto sheer oo mudo 50 sano ah kusoo jiray Siyaaadda dalka, isagoo soo qabtey xilal kala duwan.

Waxa uu Farmaajo ka codsaday Jawaari inuu sii wado wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Gudiyadiisa kala duwan, maadaama uu khibrad badan u leeyahay arrimaha sharciyada Baarlamaanka iyo Dastuurka.

Xafladda oo Villa Soomaaliya u qabatey inay ku sagootiso Jawaari, ayaa waxaa ka qeybgalay Xildhibaanadii iska soo horjeeday ee Gollaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Si kastaba, Jawaari ayaa lagu eedeeyay mudadii halka sano ee uu hayay xilka inuu caqabad ku ahaa arrimaha dib u eegista Dastuurka qabyo qoraalka ah, shaqooyinka gudiyada iyo ku tagri-fal awooda ah.

Xildhibaano ka badan 100 ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Jawaari bishii lasoo dhaafay, kaasi oo sababay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ugu dambeyn ku kalifay inuu is-casilo.

Hoos ka Daawo Xafladda Sagootinta Jawaari:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM