Farmaajo oo baajiyay safarkiisa Burundi [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar la filayay in maanta oo Axad ah ugu ambabaxo wadanka Burundi.

Illo ku dhaw Villa Soomaaliya ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay baaqshada Farmaajo ee socdaalkiisa Burundi, halkaasi oo la qorsheynayay inuu ka qeybgalo ciyaarta Final-ka ah ee dhex-mari doonto galabta xulalka qaranka Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxweynaha ayaa u diraya Burundi wafdi ka socda Xukuumadda oo ay hogaaminayaan Ra'iisul Wasaare ku xugeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye.

Baaqashada safarka Madaxweynaha ayaa timid kadib markii dad badan si aad ah baraha bulshada uga hadleen socdaalkiisa Burundi, oo ay sheegeen inuu ka mudan yahay inuu booqdo dadka fatahaadda saameysay.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga dowladda ee ku wajahan Beledweyne, halkaasi oo boqolaal kun oo Soomaali ah uga barakacay fatahaadda wabiga Shabeella, kuwaasi oo ku dhibaataysan hadda banaanka magaalada.

Shacabka ku nool hareeraha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee mara HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ah ku uga daran ee fatahaadda ay saameysay, kadib markii uu goobahaasi ka da'ay roobab mahiigaan ah bishan gudaheeda.

Hay'adaha caalamiga ayaa ka digaya cudurro ka dhasha biyaha fatahaadda, waxaana ay sheegeen in meelaha qaar ee dadku ay ku dhibaataysan yihiin sida Beledweyne iyo Goobaha Al Shabaab ay maamusho in gurmad bini'aadanimo la gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM