Farmaajo oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Turkiga, lana kulmay Erdogan

Image

ISTANBUL, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Turkiga isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa waxa uu kulankooda ka dhacay maanta oo Jimco ah [23-ka November] magaalada Istanbul, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah, oo ku qotomo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

"Waxay ii ahayd farxad inaan la kulmo Madaxweyne Erdogan maanta [Jicmo], waxaan kawada hadalnay sii xoojinta xiriirka laba geesoodkaa iyadoo loo marayo iskaashi dhinac walba faa'ido ugu jirto," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Farmaajo.

Farmaajo ayaa intaasi ku daray in Turkiga uu yahay saaxibo qiimo badan ugu fadhiya horumarka Soomaaliya, maadaama ay siiso dowladda Federaalka taageero dhaqaale oo toos ah, islamarkaana u tababarto ciidamadeeda kale duwan.

Booqashada Farmaajo ee Turkiga ayaa timid kadib markii uu soo gaba-gabeeyay safar labo maalmood qaatey oo uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo ay wehliyeen xubno badan oo qaarkooda xafiiskiisa katirsan.

Turkiga oo kamid ah dalalkii taageey Qadar markii Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar xiriirka u jareen June 2017, ayaa saldhig weyn oo militeri ku leh Muqdisho, halkaasi oo ciidamo ay ka joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM