Farmaajo oo casuumay madaxda Maamuladda [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Farmaajo ayaa hogaamiyaasha maamulada dalka ku marti qaaday shirka Golaha Amniga Qaranka, sida uu ogaaday Garowe Online.

Shirkaan oo ka dhacaya magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa la qorsheeyay in uu qabsoomo inta u dhaxeysa 19-ka illaa iyo 23-da bishaan April sanadka 2019-ka.

Sida laga laga soo xigtay illo ku dhow xafiiska Farmaajo, qodobada diirada lagu saarayo shirka waxaa kamid ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo amniga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale isu imaatinka lagu soo qaadi doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dowlada federaalka ah iyo maamulada xubnaha ah.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa hakad ku jiray tan markii uu xumaaday xiriirka maamulada qaar iyo Villa Soomaaliya oo ay isku maan-dhaafeen amniga iyo isku dhafka ciidanka.

Casuumaada uu Farmaajo u fidiyay madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa imaanaysa iyada oo dhowaan ay heshiis ku gaareen Muqdisho xukuumada iyo maamulka Axmed Madoobe.

Sidda uu fahansan yahay mareega GO, qodobada ay isla meel-dhigeen dhinacyada waxaan qayb ka ahayd in dib loo bilaabo Shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo ah madal lagu abaabulo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Arrimahaan ayaa imaanaya iyada oo xaalada amaan ee wadanka gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aanan si buuxda ugu jirin gacanta dowlada ayna ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal.

Qabashada shirkaan ayaa si lamid ah kusoo aadaya iyada oo ciidamada xooga qaarkood ay ka cabanayaa mushahar la'aan haysata mudo dhowr bilood taasoo keentay in ay soo faarujiyaan aagaga difaaca.

Dowlada Farmaajo oo uu mudada xileedka uga harsan yahay labo sano oo ay bilooyin raacaan kana bixi wayday balanqaadyadii dhanka amniga ayaa u muuqataa mid ku dadaalaysa in ay fuliso kahor inta uusan waqtigu ka idlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM