Farmaajo oo daahfuray xarunta maamulka hawada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uga daah-furay xarun laga maamuli doono hawada dalka.

Mas'uuliyiin kala duwan, oo ay kamid yihiin Wasiirada Arrimajha Gudaha, qorsheynta iyo duulista hawada, Xildhibaanno, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle iyo Madax kale oo ka socotay ICAO ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu furay xarunta.

Xarunta ayaa waxaa laga hagi doonaa diyaaradaha isticmaala hawada dalka Soomaaliya, iyadoo qalab casri ah oo shaqadaasi lagu qabanayo dhawaan ay ka hergelisay Garoonka wasaaradda duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Hay'adda (ICAO) oo hoostagta Qaramada Midoobey ayaa tan iyo 1991 magaalada Nairobi ka maamulaysay hawada Soomaaliya, iyadoo qaadi jirtay lacagta canshuurta ee laga qaado diyaaradaha maraya hawada, maadaama dalka uu ku jiray mudaasi burbur iyo dowlad la'aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyay xafladda furitaanka ka sheegay in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto amaanka, si loo gaaro horumar buuxa oo dhan walba ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM