Farmaajo oo daahfuray xarunta maamulka hawada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uga daah-furay xarun laga maamuli doono hawada dalka.

Mas'uuliyiin kala duwan, oo ay kamid yihiin Wasiirada Arrimajha Gudaha, qorsheynta iyo duulista hawada, Xildhibaanno, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle iyo Madax kale oo ka socotay ICAO ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu furay xarunta.

Xarunta ayaa waxaa laga hagi doonaa diyaaradaha isticmaala hawada dalka Soomaaliya, iyadoo qalab casri ah oo shaqadaasi lagu qabanayo dhawaan ay ka hergelisay Garoonka wasaaradda duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Hay'adda (ICAO) oo hoostagta Qaramada Midoobey ayaa tan iyo 1991 magaalada Nairobi ka maamulaysay hawada Soomaaliya, iyadoo qaadi jirtay lacagta canshuurta ee laga qaado diyaaradaha maraya hawada, maadaama dalka uu ku jiray mudaasi burbur iyo dowlad la'aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyay xafladda furitaanka ka sheegay in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto amaanka, si loo gaaro horumar buuxa oo dhan walba ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM