Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal.

“Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”.

Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo.

Villa Soomaaliya

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM