Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay horumarka ay ku tallaabsanayso dowladda iyo muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin isu soo dhawaanshada labada dal.

“Jaaliyadda dalkaan, waxaad ku tilmaaman tihiin dadaalkiina iyo saameynta dhaw ee aad ku leedihiin nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxaan idinku boorrinayaa in aad ilaashataan midnimadiinna iyo sumcadda Soomaalinimo ee aad xambaarsan tihiin”.

Dhankooda, xubnaha Jaaliyaddeena ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha xaaladdooda nololeed, fursadaha shaqo ee ay ka heleen dalkaas iyo caqabadaha ku xeeran, iyagoona uga mahadceliyay hoggaanka dalka dadaalka ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo sare u qaadista magaceena qarnnimo.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Howlgallada Midowga Afrika ayaa noqday ku fashil ah oo aan kasoo bixin natiijo wanaagsan, maadaama Al-Shabaab wali awood leedahay.

  • Soomaliya

    05-07-2025

  • 12:55PM