Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamulada ee Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Wada-tashiga Dowlada dhexe iyo Dawladdaha Xubnaha ka ah ayaa maanta oo Axad ah ka furmay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulankaan oo ay martigelisay dowlada Puntland isla markaana maalmo aan la cayimin socon doona ayaa waxaa si rasmi ah daaha uga rogay madaxweyne Farmaajo.

Isu imaatinka ayaa waxaa qayb ka ah; Ra'iisul Wasaare Khayre, madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, hogaamiyeyaasha, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sidoo kale ka qaybgalaya kulankani.

Shirkani ayaa gundhiggiisu waxaa la sheegay in ay tahay wadatashi ay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda xubnaha ah la yeeshaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Qodobada ay sidda gaarka ah uga wadaxaajoon doonaan madaxda waxaa kamida; amniga, doorashooyinka 2020-ka iyo dib u eegista dastuurka oo hanaanka loo wado la dhaliilay.

Waa markii labaad oo ay madaxda ku kulmaan Garowe muddo sanad gudaheeda ah xili markii koowaad ay isku arkeen caleema saarkii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM