Farmaajo oo furaya Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah [10-ka Maarso] lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha ayaa Khudbad u jeedin doona Xildhibaanada labada Aqalka [Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare], taasi oo uga warbixin doono xaaladda dalka iyo howlaha horyaalla dowladiisa, oo ugu horeeyo arrimaha amaanka.

Mowqifka dowladda Federaalka ee Heshiis saddex geesoodka dekedda Berbera ayaa kamid ah qodobada la filayo inuu Madaxweyne Farmaajo kusoo qaato Khudbadiisa, intastoo uusan qodobkan ku adkeyn doonin carabkiisa, oo go'aanka Xukuumadda u dhaafayo.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiska Berbera, kaasi oo uu sheegay in aysan awood u laheyn Somaliland inay gasho, waxaana Xukuumadiisa cawasho arintaasi ku aadan u gudbisay Ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadalka Khayre, oo uu ku tilmaamay inuu yahay daan-daansi dagaal iyo duulaan lagu soo qaaday maamulkiisa. Halkan ka Daawo.

Xarunta Dugisa Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayay ka dhacaysaa munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 3aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo amaanka wadooyinka gala goobtaasi si aad ah loo adkeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM