Farmaajo oo gaarey Addis Ababa, lana kulmaya Abiy Ahmed

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa gaarey magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi oo uu u dhoofay aroornimada maanta oo Talaado ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed. Laba hogaamiya ayaa kulamo yeelanaya saacadaha soo aadan.

Kulamadooda ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo danaha labada shacab, sida ku cad qoraalo kasoo baxay labada Madaxtooyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qodobada ay isla soo qaadi doonan labada masuul ay qayb ka tahay khilaafka soo kala dhex-galay Soomaaliya iyo Kenya oo salka ku haya muran dhinaca badda ah.

"Kulamadaan waxay daba socdaa wadahadalo ay horey u yeesheen dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada Addis Ababa.

Socdaalka Farmaajo oo noqonaya midkii 6aad oo muddo todobaad ah uu kaga baxo dalka ayaa imaanaya iyada oo horaantii todobaadkaan ay iskaashi 3-xagale sameysteen Ethiopia, Kenya iyo Eritrea.

Dad badan ayaa shaki wayn ka muujinaya dhaqdhaqaaqa uu Abiy ka wado gobolka, kaasi oo dal walba uu heshiis gaar ah kula galayo, isla markaana wadajir ah uu isugu keenayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM