Madaxweynaha Soomaaliya oo iska celiyay Baasaboorka Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu celiyay jinsiyadda labaad ee uu ka haystay waddanka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa waxaa lagu xusay "in hawshani ay ahayd mid soo socotay in muddo ah," oo ay kawada shaqeynayeen labada dowladood.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu tegay dalka Mareykanka kadib burburkii dowladda Soomaaliya ee sanadkii 1991-dii, isaga oo ahaa diblumaasi sare.


WAR-SAXAAFADEEDKA

Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka.

Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka muddo dheer isaga oo ka kororsaday aqoon iyo khibrado shaqo oo kala duwan, wuxuuna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka noqdoy Ra'iisul Wasaare sanadkii 2010.

Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaanaya in muwaadinka Soomaaliyeed uu qaadan karo jinsiyad kale, balse markii la doortay ka dib, Madaxweynuhu waxa uu si iskiis ah u bilaabay qorshaha celinta baasaboorka labaad ee Mareykanka ah taas oo maanta soo idlaatay.


Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa waxay ka dhigeysa Farmaajo, hogaamiyihii koowaad ee dalkan dhaca Geeska Afrika ee talaabadan noocaan ah qaada, inta la ogyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM