Farmaajo oo ka hadlay doorashada 2020 xili looga digayo muddo kororsi

Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, US - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Mareykanka ayaa wuxuu khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan loogana doodey arrimo quseeya Soomaaliya.

Farmaajo ayaa wuxuu soo qaadey kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, dagaalka AlShabaab, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalka.

"Waxaa nooga go'an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsi iyo mid hay'ad; in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda".

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Qorshahan waxaa wadajir uga wada shaqeynaya Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

"Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha".

Wuxuu intaasi ku daray madaxweynuhu: "Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah". Soomaaliya ayaa fileysa in 2020-ka ay qabato coddeyn qof iyo cod ah.

Hadalka dhanka doorashooyinka ee Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayaan eedeymo ku saabsan in maamulkiisu qorsheynayo muddo kororsi marka uu dhamaado mudada xileedka haatan uga dhiman sanad iyo bar.

Hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika ayaa nan ka jawaabin eedeyntaas oo ka imaanaysa dhinacyo kala duwan oo kamid ah saamileyda siyaasadda qaranka.

Madaxweynaha ayaa maanta marka goor-sheegtadu ka tahay Geeska Afrika 8-da illaa iyo 9-ka xiliga qadada wuxuu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinayaa shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM