Farmaajo oo ka hadlay doorashada Pakistan iyo guusha Imran Khan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ka hadlay markii ugu horeysay doorashada guud ee Pakistan ayaa wuxuu hambalyo udiray Imran Khan oo loo doortay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas.

Imran Khan oo ahaa ciyaaryahan horey oo dheeli jiray ciyaarta Cricket-ka ayaa ku helay doorashadda guud ee dalkaas codadka ugu badan, waxaana uu hogaamiye ka yahay Xisbiga PTI, kaasoo uu 22-kii sano ee lasoo dhaafay uu hogaamiye ka ahaa.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Madaxwayanaha Soomaaliya ayaa lagu yiri: "Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Pakistan Imran Khan guusha uu gaaray.

Pakistan ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay wadamada soo koraya ee uu ku xoogan yahay nidaamka Dimuqraadiyadda, Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya ayaa ku bogaadiyay Shacabka iyo madaxda dalkaas.

"Pakistan waxay aad ugu firfircoon yihiin Dimuqraadiyadda, taasoo awood usiineysa inay dadkooda ka faa'ideystaan," ayuu Madaxwaynaha dalka Soomaaliya hadalkiisa ku daray.

Soomaaliya iyo Pakistan waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana dalkaas ku nool Dad Soomaaliyeed, kuwaasoo siyaabo kala duwan ujooga, wuxuuna Farmaajo balanqaaday inuu sii xoojin doonan cilaaqaadkaas.

"Soomaaliya waxay si dhow ula shaqayn doontaa dowladda Pakistan, inaga oo eegayna dhamaan dhinacyadda aan ka mideysan nahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Madaxwaynaha dalka.

Qoraalkaan ayaa lasoo soo dhigay Bogga Twitter-ka Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga, halkaasoo uu gaarey shalay oo Jimco ahayd, waxaana uu ka qayb-geli doonaa munaasabada lagu xusayo Aas-aaska xisbiga taladda haya ee dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM