Farmaajo oo ka hadlay guusha Boris ee xilka ra'iisul wasaaraha UK

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah hambalyo u diray Boris Johnson oo ku guuleystay jagada ra'iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska.

Boris, duqii hore ee magaaladda caasimada ah ee London, ayaa waxa uu kaga guuleystay tartanka adag ee jagadaasi wasiirka arrimaha dibadda waqti xaadirkan u qaabilsan UK ee Jeremy Hunt.

Farmaajo, oo qoraal kooban kuna qoran English soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa wuxuu u rajeeyay Boris in uu ku guuleystay waajibaadka cusub ee uu ku hogaamin doono Boqortooyadda Ingiriiska.

"Waxaan eegaynaa in aan kula shaqeyno si aan u xaqiijinno mustaqbalka wanaagsan ee aragtida labadeena dal," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Bishii Maaj 2017-kii ayay ahayd markii Boris oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda balse uu iska casilay uu yimid Soomaaliya isaga oo la kulmay madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale dowladda ka tirsan.

Ra'iisul Wasaaraha cusub oo xafiiska la wareegi doona maalinta Arbacadda ah ee todobaadkan ayaa wuxuu bedelayaa Theresa May, oo shaqada ka tagtay markii ay wadi wayday barnaamijka Brexit.

Brexit ayaa ah barnaamij uu Ingiriiska uga baxayo Midowga Yurub, kaasi oo ay ku kala qeybsan yihiin Xildhibaanadda baarlamaanka iyo siyaasiyiinta wadankaasi.

Caqabadda ugu weyn ee hortaala ah Boris ayaa waxay tahay meel-marinta heshiiska bixitaanka Midowga Yurub oo wasiiro iyo ra'iisul wasaareyaal ay isu casileen.

Soomaalida ku nool wadanka Ingiriiska oo la sheegay in uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkan ayaa dowladda federaalka ka codsaday in ay wada hadalo arrintaasi ku aadan ay kala gasho UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM