Farmaajo oo ku wajahan China iyo ujeedka socdaalkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa waxa uu ku wajahan dalka Shiinaha dabayaaqadda bishan August, kadib markii uu casuumaad uu usoo diray dhigiisa dalkaas mudane Xi Jinping.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Farmaajo uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dal oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan.

Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in Farmaajo inta uu ku sugan dalka Shiinaha uu ka qayb-geli doono shir ay yeelan doonan qaar kamid ah madaxda dalalka Qaaradda Afrika iyo waliba Madaxwayne Xi Jinping, kaasoo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Kulan shalay Muqdisho ku dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Shiinaha ufadhiya Soomaaliya, Qin Jian, ayuu Cawad daboolka ka qaaday in qodobadda looga wada hadlay ay qayb ka ahaayeen socdaalka la filayo inuu Madaxwaynaha ku tago dalkaas Shiinaha.

"Madaxwaynaha waxa uu dabayaaqadda bishaan safar socdaal ugu amba bixi doonaa Shiinaha, kadib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkaas. Waxayna kawada hadli doonan xiriirka labadda dal. Wuxuu Madaxwaynaha ka qayb geli doonan shirka Madaxda Afrika iyo Shiinaha," ayuu Cawad yiri.

Wararka ku xeen-daaban socdaalka Madaxwaynaha ayaa intaas ku daraya in kahor inta uusan u kicitamin dalka Shiinaha uu safar ku tegi doonaa dalkaTurkiga, halkaasoo uu Madaxda wadankaas kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriirka labadda dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safarka Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tegayo dalka Shiinaha iyo Turkiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili loolanka siyaasadeed ee ka jira dalalka Geeska Afrika, kasoo wadamada caalamka udhaxeeya uu sii xoogeysanayo, xili Mareykanka iyo Shiinuhu ay yihiin awoodaha ugu waa wayn ee ku xifaaltamaya gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM