Farmaajo oo ku wajahan Turkiga [Akhri ujeedka socdaalkiisa]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa saacadaha soo aadan lagu wadaa inuu u ambabaxo wadanka Turkiga, sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online.

Farmaajo oo hadda ku sugan dalka Jabuuti, ayaa waxaa la filayaa inuu halkaasi uga sii safro dhanka Turkiga, kadib markii uu casumaad ka helay sida ay wararku sheegayaan Madaxweyne Erdogan.

Ujeedka socdaalka Farmaajo ayaa la xiriirta ka qeybgalka xafladda caleema-saarka Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taasoo lagu wado inay dhacdo maalinta Berri ah [Isniin, 9-ka July].

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah madaxda lagu casuumay munaasabada lagu dhaarinayo Madaxweyne Erdogan, oo ka dhici doonta xarunta Baarlamaanka Turkiga ee magaalada Ankara.

In ka badan 22 Madaxweyne, 17 Ra'iisul Wasaare ayaa ka qeybgalaya Caleema-saarka Erdogan.

Bishii June ee sanadkaan ayay ahayd marki doorasho si wayn loogu loolamay uu kusoo baxay Recep Tayyib Erdogan, isagoon helay dhamaan codadkii la dhiibtay 53.6%, sida laga soo xigtay Guddiga Doorashada.

Turkiga ayaa xiriir xooggan la leh dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ka furtay saldhig militeri oo ah midka ugu weyn ee uu Africa uu ku yeesho, kaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada Turkish ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM