Farmaajo oo la kulmay Ciidamada ku jira Xerada Jeneraal Gordan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga loogu geeyay Ciidamada ku jira Saldhigga Jeneraal Gordan, si uu u xaliyo xiisadda u dhaxaysay Ciidamada Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa Militeriga.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Askar iyo Saraakiil ku sugan Saldhiga, isagoo kala hadlay arrimo uu kamid yahay dagaalkii Ciidamada dhex-maray kaasi oo salka ku hayay boob iyo dhac loo geestay agabkii military ee Imaaraadka uga tagey Xerada.

Farmaajo ayaa ugu baaqay Askarta inay iska iloobaan dhacdaas, islamarkaana hor looga sii socdo maadaama aysan ahayn wax ku cusub Ciidamada Xoogga dalka.

Kulankan ayaa yimid xilli Xiisad ay ka taagnayd Xerada Tababarka Ciidanka Jeneraal Gordan wixii ka dambeeyay markii Imaaraadka uu tababariyaashii kala baxay saldhigga, oo mudo sanado ah tababar ku siinayay boqolaal Askari.

Ciidamada uu la kulmay Farmaajo oo gaarayay 270 Askar, oo 60 kamid ah yihiin Kumaandoos ayaa ka codsaday in jawaiga Saldhigga lagu soo celiyo sidii hore, islamarkaana ay kusoo laabtaan Askartii ku firxatay dagaalkii dhawaan dhacay.

Madaxweynaha ayaa cafis u fidiyay dhamaan Ciidamadii uu dagaalka dhexmaray, oo qaarkood xabsiga ku jira,qaarna baxsatay, isagoo u balan qaadey Askari walba in la siin doono mushaaarkiisa bil walba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM