Farmaajo oo laga reebay shir lagu saxiixayo heshiiska Eritrea Ethiopian

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelinaysa saxiixa heshiiska nabadda ee dowladaha Eithiopia iyo Eritrea kadib markii ay soo afjareen bishii July labada dhinac colaaddii u dhaxeysay mudada 20-ka sano.

Munaasabadda oo uu goob-joog ka ahaan doono Boqor Salman Bin Abdulaziz islamarkaana Axadda soo socota ka dhici doona Riyadh ayay Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaisa Afwerki ku saxiixi doonaan heshiiska.

Lama oga sababta dowladda Federalka ah ee Soomaaliya looga reebay ka qeyb-galka munaasabadda saxiixa Heshiiska Eithiopia iyo Eritea, balse waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka xun uu u dhaxeeya Sacuudiga iyo Villa Somalia.

Xukuumadda Riyadh ayaanan ku faraxsaneyn mowqifka dowladda Federaalka ee khilaafka Khaliijka, oo ay u argto inay u weecatay dhanka dowladda Qadar, oo ay ku riixayaan shaqsiyaad saaweyn ku leh maamulka Farmaajo.

Sacuudiga oo galaangal ku leh dunida Muslim-ka ayaa hoos u dhigay xiriirkii kala dhaxeeya dowladda Federaalka, sidoo kalena joojiyay taageeradii uu siin jiray, maadaama Xukuumadda Muqdisho aan dhab ka ahayn dhex-dhexaadnimadeedii xiisadda Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo oo labo jeer booqday Sacuudiga tan iyo markii la doortay Febuary, ee 2017, ayaa mudooyinkii dambe safaro ku kala bixiyay Eritrea iyo Eithiopia, oo min labo jeer booqday, isagoo qeyb ka ah hogaamiyaasha heshiiska nabada gobolka ka shaqeynaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM