Farmaajo oo laga yaabo inuu Itoobiya kula kulmo Madaxweynaha Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar hoose oo uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan Jabuuti uu safar ku tagayo Itoobiya, halkaasi oo kaga sii horeeyo Madaxweynaha Somaliland.

Illo Xog-ogaal ah oo ku dhaw Xafiiska Madaxweynaha ayaa u sheegay GO in Farmaajo laga yaabo inuu Addis Ababa kula kulmo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu dhex-dhexaadinayo.

Dowladda Federaalka ayaa mabda'ahaan ogolaatey kulanka, balse waxaa la sheegay in aan la isku afgaran, oo go'aan laga gaarin qaab uu u dhacayo, Goobta iyo kaalinta dalalka dhex-dhexaadinaya.

Wali ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku saabsan kulanka Addis Ababa iyo socdaalka la sheegay inuu Madaxweynaha ku tagayo dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa sanadkii tagey la qorsheeyay inay Jabuuti ku kulmaan, balse baaqday kadib markii Somaliland kala wareegtay Puntland degaanka Tukaraq ee gobolk Sool, January 2018.

Turkiga ayaa dhawaan shaaciyay inuu dhex-dhexaadinyo Somaliland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxuuna u qeybsane arrimahan ugu magacaabey safiirkii hore ee Ankara u fadhiyay Muqdisho, Olgan Bekar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM