Farmaajo oo Midowga Yurub u cadeeyay aragtida DF ee Geeska Afrika

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika, Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, deyn cafinta, iyo dib u habaynta garsoorka dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga ku aaddan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya dalalka Geeska.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu la wadaagay Danjiraha aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris wanaagga dalalka Gobolka, iskaashiga, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika.

“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wafdiga Midowga Yurub dadaallada ku saabsan xaqiijinta amniga oo ay ugu horreeyaan dhismaha Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale wax ay ka wada hadleen arrimaha horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, taageerada hay’adaha garsoorka iyo deyn cafinta oo Midowga Yurub uu kaalin mug leh ka qaadanayo.”

Dhankiisa, Danjire Alexander Rondos ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in ay ku gacan siinayaan Dowladda sugidda amniga iyo dib u habeynta caddaaladda oo tiir dhexaad u ah qorshe hawleedka Xukuumadda.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo ay jirto xiisad diblumaasiyadeed oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taasoo salka ku haysa xuduud badeed isla markaana dacwad arrintaasi ku saabsan ay hortaalo Maxkamada Cadaaladda Aduunka oo sanadka dambe go'aan kasoo saari doonta kiiskani.

Villa Soomaaliya + GO

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM