Farmaajo oo ogolaadey muddo kordhinta loo sameeyay AMISOM

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxa AMISOM, Francisco Madeira ayaa Axadii kulan ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarey doorka ciidamada Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya, muddo kordhin hal sano oo loo sameeyay howlgalka iyo ciidamo laga dhimayo taliska.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madeira ayaa waxaa lagu shaaciyey in dhinacyadda ay isla qaateen dhamaan arrimahaasi oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka Soomaaliya.

Qorshahaasi oo ay isla diyaariyeen Beesha Caalamka iyo dowlada federaalka ayaa ujeedkiisu yahay in marka la gaaro 2021-ka mas'uuliyadda amaanka dalka ay la wareegeen xoogaga dowlada.

Bishii Maaj ayuu Golaha Amaanka Qaramada Midoobay meel-mariyey in hal sano loogu daro joogitaanka AMISOM kahor doorashada qof iyo cod ee 2020-21 iyo in la dhimo 1000 askari.

"Waxaan isku afgaranay in AMISOM ay wali muhiimad balaaran u leedahay dedaalada xasilinta Soomaaliya iyo dabar-jarka Al-Shabaab," ayaa lagu yiri qoraalka.

Madeira oo sii hadlaya, sida ku cad bayaanka, wuxuu hadalkiisu raaciyey: "Dedaalada wajirka ah waa in ay ii socodnaa, waana mid waajib nagu ah in Al-Shabaab aan gacanta ku dhigno".

Geesta kale, Madeira ayaa xusay in madaxweynaha ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xorreynta degaanada Sabiid iyo Caanoole oo ay qabsadeen ciidamada xooga oo garab ka helaya AMISOM.

"Tuulooyinkaasi oo ay u tiilay jidgooyooyin sharci darro ah, haatan masii yaali doonan," ayuu daba dhigay isaga oo sharaxaya muhiimada degaanadaasi oo Al-Shabaab ilo dhaqaalo u ahayd.

Ugu dambeyntii, waxa uu wacad ku maray in Midowga Afrika uu sii wadayo dedaaladda xasilinta Soomaaliya, oo ah dal kasoo kabanaya colaado sokeeye muddo ka badan tobban sano.

AMISOM oo la aas-aasey sanadkii 2007-dii ayaa waxaa uu noqday howlgalkii ugu dheeraa ee nabadeyn ah ee laga fuliyo Afrika xili waqtigooda uu gabaabsi yahay ma jiraan guulo muuqda oo gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM