Farmaajo oo qaadey tallaabo taariikhi ah oo ku aadan xiriirka Kenya

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyay tallaabo lagu tilmaamay mid taariikhi ah, oo kusoo celiyay xiriirkii dalkiisa kala dhaxeeyay Kenya, kaasi oo hakad ku jiray tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Farmaajo ayaa ka degay xalay magaaladda Nairobi, isagoo uu la socdo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kaalin dhex-dhexaadin ah ka qaadanaya khilaafka labada dowladood.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah kulan la yeeshay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal, islamarkaana laga heshiiyay mad-madowgii soo kala dhex-galay.

Mas'uul katirsan xafiiska Madaxweynaha ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in aaney jirin wax tanasul ah oo labada dhinac ka sameeyeen arinta muranka badda, taasi oo isla afgarteen in go'aankeeda u daayaan Maxkamadda ICJ.

Abiy Axmed ayaa kulamo gooni gooni ah Addis Ababa kula qaatey labada hogaamiye kahor wadahadallada Nairobi, isagoo ku qanciyay dhinacyada inay xiriirkooda sidii hore kusoo celiyaan, iyadoo Farmaajo laga dalbaday inuu ka qanciyo Kenya shakiga ah in ceelal shidaal oo ku jira badda lagu muransan yahay ay dowladdiisa ku xaraashtay Shirkii London, oo dhacay 7-dii Febuary.

Farmaajo ayaa isagoo fiirinaya danta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya tagey Nairobi, kadibna heshiis taariikhi ah la galay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana labada dal ay dib usoo celin doonaan safiiradii loo kala yeeray.

Villa Somalia ayaa uga mahadcelisay Abiy Axmed kaalinta uu ka qaadey soo celinta cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya iyo heshiiska ay ka gaareen xiisaddii diblumaasiysadeed ee u dhaxaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM