Farmaajo oo qiray inuu Musuq-maasuq ka dhex jiro dowladiisa [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qiray in musuq-maasuq uu ka jiro dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay kamid yihiin xubno ku kaca musuq-maasuq, oo aan daacad u ahayn dalka iyo mas’uuliyadda loo dhaariyay, ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

“Waa xaqiiq in aysan amaano jirin, oo dad naga kamid ah ay musuq-maasuq ku kacaan, waa xaqiiq in ay aamin darro na haysato,” ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ma uusan shaacin halka uu musuq-maasuqa ka jiro dowladda dhex-deeda iyo shaqsiyaadka ku kacay, balse waxuu qiray in xubno loo igmaday inay qaranka u adeegaan waxa isdaba marin iyo khiyaano sameynayaan.

Waa markii ugu horeysay oo Farmaajo dabaalka ka qaado inuu musuq-maasuq ka jiro dowladda Federaalka oo mudo hal sano ah jirto, iyadoo aan illaa hadda jirin cid loo xiray musuq-maasuqa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta badan sheega inay la dagaalamayaan musuq-maasuq, oo dowladihii ka horeeyay ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan mudadii ay joogeen.

Warbixin dhawaan ay soo saartay hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in Soomaaliya wali safka hore uga jirto dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo taasi uguu wacan tahay isla-xisaabtan la’aanta ka jirta dalka.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM