Farmaajo oo safar deg-deg ah ugu ambabaxay Masar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u safray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, maanta oo Sabti ah, sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Villa Soomaaliya illaa iyo haatan ma aysan fahfaahin u jeedka uu daaran yahay socdaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taasi oo imaaneysa iyada oo uu taagan yahay khilaaf u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow xafiiska Farmaajo ayaa u dusiyay GO in ka qaybgalayo Madaxwaynaha shirka dalalka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub oo halkaasi ka furmaya.

Kahor furitaanka kulankaasi, hogaamiyaha dalka dhaca Geeska Afrika ayaa lagu wadaa in uu la fariisyo Madaxwayne Cabdifitaax Al-Sisi, kaasi oo la rajeynayo in ay kawada hadlaan arrimo kala duwan oo gobolka quseeya.

Warar ayaa la xaqiijin ayaa sheegaya in labada mas'uul ay isla soo qaadi doonan khilaafka Kenya iyo Somalia, kaasi oo salka ku haya xadgudub ay xukuumada Nairobi ku hayso biyaha Soomaaliya.

Qaahira ayaa horey u dhex-dhexdaadisay Imaaraadka iyo Soomaaliya oo uu soo kala dhex-galay is-marin-waaga diblumaasiyadeed markii ay Muqdisho ay garoonka Aadan Cade ku qabatay 9.8 milyan oo Abu Dubai ay laheyd.

Safarka uu maanta ku aaday Farmaajo dalka Masar ayaa noqonaya midkii 3aad oo muddo labo isbuuc ah uu ku bixiyo dibada, maadaama todobaadkii hore uu tegay Burundi iyo Jabuuti oo uu cagta soo mariyay.

Farmaajo ayaa balanqaaday intii uu ol'olalaha ku jiray inaanu safaro badan oo dibada ah uusan geli doonin hadii la doorto, hasa yeeshee waxaa muuqata in uusan fulin, isaga oo socdaaladiisa ay gaarayaan Tobaneeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM