Farmaajo oo sheegay inuu isbedelay xiriirkii DF iyo maamullada

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Waxaa magaalada Baydhabo maanta lagu caleema-saaray Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo xilkan loo doortay 19-kii bishii December ee 2018-ka.

Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyeyaasha labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanno, Wasiiro iyo wafuud ka kala socotay Puntland, Galmudug iyoo HirShabeelle ayaa ka qeyb-galay munaasabadda caleema-saarka Lafta Gareen.

Farmaajo ayaa doorashadii Lafta Gareen ku tilmaamey mid taariikhi ah, oo u dhacday si dimuqraadi ah, xilli beesha caalamka ay cambaareeyeen rabshadihii ka dhacay Baydhabo iyo dadkii shacabka ahaa ee ciidamada dowladda ku toogteen magaalada.

Madaxweynaha ayaanan soo hadal qaadey 15-kii qof ee shacabka ahaa ee lagu dilay Baydhabo iyo xarigii Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Musharixiinta kaasoo ciidamada Itoobiya xireen maalmo kahor doorashadii Lafta Gareen.

Midowga Yurub ayaa dhaqaalihii ka jaray Booliska Koonfur Galbeed kadib markii ay ku lug yeesheen dilka shacabka, iyadoo go'aankan markii uu soo baxay kadib ay Villa Somalia ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey, Nickolas Haysom.

Haysom oo xafiiska UNSOM joogey mudo billooyinka ah kadib markii uu ka dalbaday Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia inay jawaabo ka bixiso wixii ka dhacay Baydhabo iyo sharciga u ogolaadey inay soo xirto Roobow.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale sheegay inuu is bedelay xiriirkii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, maadaama hogaamiyeyaashii ugu tunka weynaa Gollaha Iskaashiga meesha ka baxeen.

HALKAN KA DAAAWO KHUDBADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM