Farmaajo oo si kulul uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo
MUQDISHO - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa si kulul wuxuu uga hadlay Qaraxyo mataano ahaa oo gil-gilay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.
Weeraradani oo mid kamid ah uu ahaa Is-miidaamin ayaa lala beegsaday Hoteel uu leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya, mudane Fargeeti xili wadarta guud ee dhimashada ay mareyso in ka badan 20.
War-qoraal ah oo uu Farmaajo soo dhigay Boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku tilmaamay weerarka mid "arxan darra ah", oo ay Al-Shabaab ku "gumaaday" dad shacab ah.
"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadkii sida arxan darrada ah ay Alshabaab ugu gumaadeen Baydhabo. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno siiyo kuwa naga baxay, dhaawacana noo bogsiiyo," ayaa ku yiri qoraalkiisa Madaxwaynaha.

Dhinaca kale, Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed oo isna la hadlay qaraxyaddani ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay, isaga oo eheladda dhibanayaasha ALLE uga baryay inay helaan naxariistiisa, isaga oo bog-sasho urajeeyay inta dhaawacantey.
"Madax, Shacab iyo guud ahaan Eheladii dadkii wax ku noqdey waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh, ilaahay ha u naxariisto inta nooga dhimatay, dhaawacana alaha noo bogsiiyo," ayuu Sheekh Shariif ku yiri qoraal oo isna bartiisa gaarka ah ee Facebook uu soo dhigay.
Qaraxyaddani oo kala dhaca Gabal-dhicii iyo Maqribnimaddii Sabtida ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo tibaaxday inay ku beegsatay Hoteel uu leeyahay Wasiir Fargeeti iyo Saldhig ciidan oo ka ag-dhawaa meesha ay wax ka dhaceen.
Wasaarada amniga ayaa weli ka hadlin iyo hay’adaha kale ee dowlada. Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya xilli Taliyhii Nabad Sugida Soomaaliya is-casiley isagoo kamid noqonaya musharaxiin u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dhacdooyinkaani ayaa imaanaya xili Koonfur Galbeed ay galayso doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha, kuwaasi loo madal-san yahay inay qabsoomaan bisha November ee sanadkaan, xili ay magaalada ka socdaan Olale doorasho.
GAROWE ONLINE