Farmaajo oo socdaal laba maalmood ah ugu dhoofay Jabuuti

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxtooyadda Qaranka oo war kooban baahisay ayaa waxay shaacisay in socdaalka madaxweynuhu yahay mid rasmi ah kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

"Booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaana qaadanaysa muddo labo maalmood ah," ayaa lagu yiri qayb kamid ah bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online, xafiiska Muqdisho.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulmaan wallow aanan si dhab ah loo ogayn arrimaha ay kawada xaajoon doono marka laga reebo in ay isla soo qaadan arrimo quseeya gobolka.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo wada guluf ka dhan ah Al-Shabaab muddo ka badan tobban sano.

Arimaha Geeska Afrika ka taagan marka laga soo tago amniga ayaa waxaa qayb ka ah dacwadda dhanka badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

Kiiskaasi oo ay ICJ dib u bilaabeyso dhageysigiisa bisha September ayaa taagnaa tan iyo 2014-kii, waxaana uu ku saleysan yahay goob hodan ku ah Shidaal iyo Gaas oo ku taala sohdinta labada dal.

Dalka Jabuuti ayaa dhowaan ka diiday Kenya in uu uga tanaasulo kursi aan joogteyn ahayn oo yaala Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna u wada tartamayaan dalalka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM