Farmaajo oo Talaadada kusii jeeda Ethiopia [Akhriso Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu Talaadada Berri ah uu socdaalo magaaladda Addis Ababa ee caasimada Ethiopia, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasoo ay kawada hadli doonaan sida la sheegay xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxwaynaha Eritrea uu qayb ka noqonayo kulanka.

Madaxweyne Isias Afwerki iyo Abiy ayaa maanta tegay South Sudan, halkaasoo ay kula kulmeen madaxda dalkaasi, oo ugu horeeyay Salva Kiir.

Safarka madaxwayne Farmaajo ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan uu Addis Ababa tegay madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasi oo wadankiisa ay xiisada kala dhaxeyso Soomaaliya.

Khilaafka labada wadan ee deriska ah ayaa salka ku haya muran dhul-badeed, halkaasoo la sheegay in ay qanni ku tahay noocyo kamid ah saliida iyo Gaaska.

Kiiska ku saabsan murankaasi ayaa horyaala maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ, taasoo la filayo in dabayaaqada sanadkaan ay kasoo saarto xukunka lagu kala saarayo labada dal, iyadoo wareegii 1aad ay Soomaaliya guuleysatay.

Intii uu ku sugnaa gudaha Itoobiya, Kenyatta ayaa la yeeshay Abiy Axmed wadahadalo ay ku xoojinayaan cilaaqaadka dhinaca ganacsiga, iyagoo saacado kadib u dhoofay wadanka Eritrea.

Hogaamiyaasha saddexda dal ayaa isku raacay in ay yeeshaan Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada; dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

Xukuumada Muqdisho ayaa soo dhaweysay Iskaashigaasi, inkasta oo aanan la ogeyn in safarka Farmaajo uu daaran yahay arrinkaasi, wallow Madaxtooyada aysan wali ka hadlin.

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga xumaatey Casho sharaf Abiy Axmad u sameeyey Madaxweynaha Kenya oo lagu casumey Wakiilada Somaliland u fadhiya Itoobiya.

Farmaajo ayaa waxaa kaga horeeya magaalada Addis Ababa Agaasimihiisa Nabad Sugida Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale kaga horeeyey Dalka Qadar Madaxweyne Farmaajo booqashadii uu ku tagey. 

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu talada hayey waxaa uu sameeyey xulefeysiyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda kuwaas hadda u muuqda kuwa furfuranaya.

Waa safarkii 6aad oo uu Madaxwayne Farmaajo ku aado dibadda tan iyo bishii lasoo dhaafey, waxaana madaxda sare ee DF kordhiyeen sanadkan socdaallada dhaqaalaha badan Ku baxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM