Farmaajo oo kormeeray degaano laga saarey Al-Shabaab [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa mar sii horeysay oo Jimcadii ah waxa uu diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ku tegay degaanada Sabiid iyo Caanoole.

Tuulooyinkaasi oo ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa bishii hore ay ciidanka milatariga ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab, kadib dagaal saacado qaatay.

Farmaajo, oo sidoo kale ah taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka, ayaa kormeeray dufeesyada xoogaga dowlada ee degaanadaasi

Hogaamiyaha wadanka Geeska Afrika ku yaalla ayaa ku tartarsiiyay ciidanka in ay ka difaacaan wadanka "kooxaha argagixisada ah".

Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe], taliyaha milatariga, ayaa xusay in ciidanka ay baaqi kusii ahaan doonan degaanada ay qabsadeen.

Geesta kale, kahor booqshadiisa degaanada la xoreeyay, Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay ergayga Sacuudiga ee Afrika.

Wasiiru dowlaha Sacuudiga ee Afrika uu Farmaajo u gudbiyay dhanbaal uu ka sigay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis-ka Sacuudi Carabiya.

Villa Soomaaliya ma aysan fahfaahin waxa ku qoran dhanbaal oo kusoo aadaya iyada oo xiriirka labada dal uu ahaa mudooyinkii dambe mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM