Farmaajo oo u dhoofay Mareykanka; ajendaha shirka uu ka qeybgalayo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axada maanta ah u amba-baxay Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha, oo maalmo ku sugnaan doona dalkaasi, ayaa wuxuu kalmad ka jeedin doono madashan oo kulminaysa Hoggaamiyeyaasha wadamadda Caalamka.

Shirkan ayaa lagu sumaday "Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada".

"Wafdiga ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee UN-ka," ayuu yiri xafiiska Farmaajo.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira arrimaha hoos ku xusan;

Xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi [Fuursade].

Socdaalkan ayaa wuxuu noqonaya safarkii koowaad oo uu madaxweyne Farmaajo ku tago Mareykanka isaga ah hogaamiyaha dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Farmaajo ayaa dhowaan dib isaga celiyay Baasaboorka Mareykanka, kaasi oo la aaminsan yahay in uu kamid ahaa sababihii ka hor-taagnaa in uu ka qeybgalo labadii kulan ee ugu dambeysay ee fadhiga guud ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ra'iisul Wasaarihiisa, Xasan Cali Khayre, ayaa dalka ku metalay labadii sano ee u dambeysay, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka, dagaalka AlShabaab iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM