Farmaajo oo u safray Ethiopia xilli khilaaf siyaasadeed ka jiro dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Arbaco ah u ambabaxay dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaaladda Addis Ababa, sida ay xaqiijiyey mas'uul katirsan Xafiiskiisa.

Ujeedka socdaalka madaxwaynaha ayaa lagu sheegayaa inay tahay ka qaybgalka shir madaxeedka 33-aad ee IGAD, kaasoo looga arrinsanayo xaaladda South Sudan iyo dib usoo laabashada Eritrea ee Ururkan.

Sidoo kale, waan-waanta laga dhex-wado dowldaha Jabuuti iyo Eritrea iyo sidoo colaadooda laguu dhameyn lahaa ayaa qeyb ka ah qodobada miiska u saaran hogaamiye-yaasha IGAD ee ku kulmaya Addis Ababa.

Dalka South Sudan oo ah midka ugu da’da yar caalamka waxaa dhowaan heshiisyo kala saxiixday dhinacyadda ku lugta siyaasadda dalkaas, waxaana la doonayaa in lasoo afjaro colaado galaafatay nolasho dad badan.

Eritrea ayaa waxay ka maqneed xubinimadeeda IGAD tobbankii sano ee lasoo dhaafay, taasoo ka dambeysay markii ay ka carootay faragelin ay dowladda Itoobiya ku sameysay Soomaaliya sanado kahor.

Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed oo ah gudoomiyaha xilligan ee IGAD ayaa shir gudoominaya Shirka ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Socdaalka Farmaajo oo imaanaya maalmo kadib markii uu kasoo laabtay wadanka Eritrea ayaa kusoo aadaya xili dalka ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo cakiranaan ah, taasoo u dhaxaysa dowladda uu hogaamiyo iyo maamuladda dalka.

Dowlad goboleedyada ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka ugooyeen Madaxtooyadda, iyaga oo sababta ku sheegay in xukuumadda aysan heshiisyo ay horey ula galeen iyo faragelin baahsan oo ay ku hayso arrimahooda gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM