Farmaajo oo u safray Itoobiya iyo dhamaan madaxda sare ee DF oo dalka ka maqan

Image

MUQDISHO, Soomaaliaya - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka oo Talaado ah u safray magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wao qoraal ah oo Villa Somalia soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in socdaalka Madaxweynaha u yimid kadib casumaadd rasmi ah, oo uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa kawada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga nabadgalyada gobolka geeska Africa, oo dalalka ku yaalla ay heshiiyeen colaadihii u dhaxeeyay.

Waa socdaalkii 6aad oo mudo todobaadyo ah uu Farmaajo ku aado dibadda, iyadoo safarkiisa maanta uu kusoo beegmayo xilli Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mursal Cabdiraxmaan ay dalka kawada maqan yihiin.

Khayre ayaa Shir uga qeybgalaya magaaladda Geneva ee dalka Switzerland halka gudoomiyaha Gollaha Shacabka uu isna ku sugan yahay wadanka Jordan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM