Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiiro cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu ku qaabilay madaxtooyadda safiiro cusub.

Denjireyaasha oo nuqul kamid ah waraaqadahooda safiirnimo u gudbiyay Farmaajo ayaa kala metalaya wadamada Baxreyn iyo Burundi.

Wakiilka wadanka reer Carbeed, Juma Axmed Al Kaabi, oo intaasi kadib kulan la yeeshay hogaamiyaha dalka, ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal.

Si lamid ah, safiirka qaranka qaarada Afrika ku yaalla ee Remy Barampama waxa ay shir ay yeesheen Farmaajo, kaasi oo lagu faa’qiday dhowr arrimood.

Burundi ayaa kamida wadamadda ciidamada ku leh howlgalka midowga Afrika ee AMSIOM, kaasi oo in ka badan tobban sano ka socda Soomaaliya.

Boqortooyada Baxrayn ayaa kaalin ku leh dadaalada dib u yag-leelida dowladnimada Soomaaliya xili ay ku bixiso taageero maaliyadeed.

Midkoodna safiirada cusub wadamadooda kuma lahan safaarad magaalada Muqdisho, iyada oo sababta ugu wayn ay tahay amniga oo aan la isku haleyn karin, maadaama ay dhacayaan weerar agagixiso.

Kaliya Arbacadda maanta ah, laba laba qarax oo ka dhashay gaari, kuwaasi oo midkood uu ka badbaaday taliyaha sirdoonka Galmudug ayaa ka dhacay caasimada, wallow laamaha amaanka ku howlan yihiin adkeynta amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM