Farmaajo oo Xasan Sheekh ku eedeeyay kala qeybinta bulshadda

Image
Madaxwayne hore ayaa si adag u diidey war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay soo saaray bayaan uu kaga falcelinayo go’aannada ka soo baxay shir Muqdisho ku dhexmaray qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay khatar ku yihiin midnimada iyo wadajirka dalka.

Farmaajo ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dayacay waajibkii qaran ee ilaalinta dastuurka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu si ula kac ah uga reebay talada iyo go’aannada muhiimka ah qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada, taas oo Farmaajo uu ku sheegay inay dhaawacayso nidaamka siyaasadeed ee loo dhan yahay.

Bayaanka uu soo saaray Farmaajo ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka aanu lahayn awood dastuuri ah oo uu ku hakiyo doorashooyinka madaxtinimada Dowlad Goboleedyada ee xilliyadoodu dhammaaday. Farmaajo waxa uu ku nuuxnuuxsaday in warka ka soo baxay shirka Madasha aan loo dhammayn ee Wadatashiga Qaranka uu khatar gelinayo xasilloonida siyaasadeed iyo matalaadda dowladnimo.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in uu si buuxda u taageerayo doorashada ay Dowlad Goboleedyada muddo xileedkoodu dhammaaday qabtaan, isagoo si gaar ah u xusay mowqifka Jubbaland ee ku aaddan doorashada madaxtinimo ee maamulkaas. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in doorasho kasta oo heer qaran ah lagu saleeyo heshiis mideysan oo siyaasadeed, si looga fogaado khilaaf iyo xasillooni darro.

Dhinaca kale, Farmaajo wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu damac gaar ah ka leeyahay qaabka iyo guddiga doorasho ee lagu xusay shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu iska indho-tirayo waaqaca siyaasadeed iyo muhiimadda xasilloonida dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii sheegey in hoggaanka Dowladda Federaalka in ay dib ugu soo laabtaan sharciga iyo ilaalinta maslaxadda guud ee qaranka, isaga oo ku baaqay in mudnaanta la siiyo danaha guud halkii laga hor marin lahaa damac gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM