Farmaajo: Shisheeye aan Soomaali jeclayn baa taageera AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in kooxda Al-Shabaab ay taageero dhaqaale ka hesho dibadda, inkasta oo uusan cid gaar ah farta ku fiiqin.

Hasayeeshee, hogaamiyaha dalka, ayaa ku tilmaamay cida barataarta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida "shisheeye aan jeclayn dadka Soomaaliyeed."

"Waan ognahay in shisheeye aan Soomaali jeclayn in ay taageeraan argagixisada … lama dagaalayaan dowlada ee waa xasiloonida iyo qaranka Soomaaliya," ayuu raaciyay.

Farmaajo ayaa cod dheer uga dalbaday shacabka iyo siyaasiyiinta in ay ku garab siiyaan ciidanka sidii ay uga adkaan lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

"Hadii aan fursad siino haatan sidaan ayay ula dagaalayaan dowladaha dambe … marka shacab iyo siyaasiyiin waa in aan u midowno, oo aan ciidanka ku caawino xogta cadowga," ayuu raaciyay.

Mar uu soo hadal-qaaday howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka dowlada ay ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka ayuu tibaaxay in ay ciidanka kasoo hooyeen guulo.

"Meelihii ay qaraxyada kasoo gelin jireen [Muqdisho] ayaan ka qabsanay," ayuu xusay, isaga oo ku daray "Ciidankeenu waa in aan ku taageeraan caano iyo biyo.

Xoogaga dowlada ayaa illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen todobaadkaan tuulooyin ay ugu muhiimsan tahay Sabiid.

"Waxay Muqdisho qaraxyada uga fulinayaan waa in la yiraahdo meeshaasi dowlad kama jirto," ayuu hadalkiisa kusii daray madaxwaynuhu.

Madaxwayne Farmaajo oo ku nuux-nuux saday in dowladiisu ka go’an tahay in ay xididaha u siibto Al-Shabaab ayaa cod dheer ku qiray in ay jiraan dad Soomaaliyed gudaha iyo dibada ku nool oo lacago ku taageera argagxisada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM