Farqiga u dhaxeeya hadaladii Farmaajo iyo Khayre ee doorashadda?
MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in ay sameeyaan qirtaan ku aadan in doorasho qof iyo cod aysan dalka ka dhici karin ayna ogolaadaan wadahadalo laga galo, sidda uu ku baaqay siyaasi.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey farqiga u dhaxeeya hadaladii madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaarihii Khayre kasoo kala saareen doorashooyinka.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaraadka ah ee Wadajir oo mar kale ka digay muddo kororsi ayaa si lamid ah fahfaahiyey sababta ay u soo dhaweeyeen dhawaqa Khayre, balse ay uga soo horjeesteen midka ka yimd Farmaajo.
"Ra'iisul wasaaraha hadalkiisa waa run waa soo dhaweynay; annaga wuxuu noogu muuqday xisbi ahaan markaan ka tashanay, dadkoo baddanna waa soo dhaweeyeen – maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda intaba waa soo dhaweyeen – waxaan u soo dhaweynay waxay tahay ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay saddex qodob; doorashadda in ay xiligeeda ku dhacdo, wuxuu kaloo sheegay noocay rabto ha noqoto ayuu dhahay that means [taas macnaheedu] waxay u furan tahay in ay dadku kawada hadlaan doorasho xiligaas ku dhici karta; wuxuu kaloo sheegay in saamileyda siyaasadda ay kala xaajoonayaan, madaxweynaha ma sheegin; wuxuu kaloo [Khayre] sheegay in ay doorashadu xudun u tahay xasiloonida dalka, madaxweynaha ma sheegin, madaxweynaha caksideeda ayuu sheegay; madaxweynaha wuxuu sheegay in uu dhiig daadanayo; dhalinyaradda ayuu ka hadlay wuxuu yiri 'dhalinyaroy yaan kursigiina dhiig lagu gaarin' waxaa dadkii is-waydiiyeen markaa; madaxweynaha dhiigaan daanayo uu ka digayo muxuu yahay?" ayuu u sheegay telefishinka Dalsan Tv.
Siyaasiga oo ka jawaabay su'aasha ayaa xusay in ay u fasirteen in madaxweynuhu doonayo in uu kursiga "isku dhejiyo" isla markaana uu da'yarta ugu baaqayo in aysan qayb ka noqonayo ololaha looga soo horjeedo.
Sidoo kale, wuxuu ku nuux-nuux saday in madaxweynaha "uusan fahamsaneyn" in doorashooyinka ay ka qeyb-qaataan xasiloonida dalka.
Illo wareedyo ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Farmaajo iyo Khayre ay ku kala aragti duwan yihiin arrinta doorashada isla markaana ra'iisul wasaaruhu ku taliyey in wadahadal laga furo, balse madaxweynuuhu diidey.
"Wuxuu caskideeda sheegay in uu dhiig-daanayo; malaha qofka dhiiga daadinayo waa asagga waxa uu ka digayo iyo dadka Soomaaliyeed wuxuu u sheegayaba waan fahmi waynay annaga; marka farqigaas ayaa u dhaxeeya [hadaladii Farmaajo iyo Khayre ee doorashooyinka] kalama jeclin annaga waa laba ninoo hal xukuumad kawada tirsan iyo isku system [nidaam] ka tirsan, laakiin qofkii wax caqli ah sheega oo mandiq ah oo logic ah la imaada; annaga waan soo dhaweynaynaa saasaana ku nahay mucaarad wax dhisaya oo dhaliil togan u jeedinaya dowladda," ayuu hadalkiisa ku daray Warsame.
Markii la su'aallay caddeyn muujineysa in Farmaajo doonayo muddo kororsi, Cabdiraxmaan ayaa ku sheegay "in madaxweynaha uu ku adkeysanayo doorasho qof iyo cod, iyaddoo uusan jirin waqti lagu qaban karo".
"Taas macnaheedu waxay tahay anigaa sii joogaya inta ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso. Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaa laga doonayaa in ay qirtaan in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah," ayuu tibaaxay, isagoo hoosta ka xariiqay in kadib laga wadahadli doono nooca ay noqoneyso.
Ugu dambeyntii, Farmaajo ayuu si toos ah ugu eedeeyay in uusan ogoleyn miiska wadahadalka oo uu la fariisto siyaasiyiinta iyo maamulada ka aragtidda uuna doonayo qalalaaso uu dalka ka abuuro "taasoo aan ka aqbaleyn".
GAROWE ONLINE