​Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle oo la hakiyay

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo kaashanaya shacabka ayaa ku guulaystay inay hakiyaan fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle kadib biyo xireenno ay ka sameeyeen qaybo kamid ah deegaanada gobolkaasi.

Sida uu xaqiijiyay mid kamid ah mas'uuliyiinta gobolka, waxaa biyo xireenka laga sameeyay ilaa dhowr goobood isagoo intaasi ku daray inaysan suuro gasheen haddii aan la helin bulsho diyaar u ah ka hortagista masiibo ka dhalan lahayd.

“Fatahaadda wabigu sameeyay wan ka hortagnay mana geysan fatahaaddaasi Khasaare ka badan dalagyo uu baabi’yay, waxaana rajeyneynaa in ay hoos u dhacaan biyaha korshubka ah ee wabigu wado,” Ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ee dhinaca amniga iyo siyaasadda Abshir Caddoow Hiraabe.

Wuxuu intaasi ku daray in xaaladda wabigu iminka dagantahay islamarkaana laga hortagay cabsi iyo walaac ay muujinayeen dadka degmadaasi ku nool.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday amniga gobolka Shebeellaha dhexe oo sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan, wuxuuna xusay inay sugidda amniga iska kaashanayaan laamaha ammaanka iyo shacabka gobolka Shabeellaha dhexe.

Shirka maamul u samaynta gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayuu sheegay Hiraabe inuu furmi doono todobaadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM