Fiqi: Itoobiya waxay 2007 illaa 2008 Muqdisho ku dishay 20-kun qof

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir jaraa'id.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Itoobiya ku eedeeyay in mudadii u dhaxeysay 2007-2008 ay Muqdisho ku dileen dad ka badan 20-kun qof, ku barakiciyeen 800-kun ayna ku burburiyeen hanti fara badan.

Fiqi oo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtey xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin marmarsiyada Itoobiya ee ah in ay dhiig u daadisay nabada Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiir Fiqi ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu dadkiisa si nabad ah ugu raadiyo marin-badeed balse uusan colaad u horseedi.

Dhanka kake, wasiir Fiqi waxa uu meesha ka saarey in aysan jiri doonin dal si qasab ah uga mid noqon kara howlgalka cusub ee lagu waddo in Soomaaliya ka bilowdo sanadka 2025-ka.

"Laga bilaabo Jan 2025, howlgalka ATMIS ka dambeeya ee AUSSOM waxa uu mudnaan siin doonaa dahafka waddanka martida loo yahay. Sida ku cad go'aamada Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, dalka martida loo yahay ayaa yeelan doona go'aanka kama dambaysta ah ee xulashada xubnaha. Ma jiri doono waddan si qasab ah uga mid noqon doona. Soomaaliya waxay u madax-banaanaan doontaa nidaamkan," ayuu yiri.

Sikastaba ha haatee, hadalkan ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii wadahadalada Turkiga garwadeenka ka ahaa ee labada dal la doonayay in loogu kala dab-qaado ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan markii dhinacyada is-faham buuxa gaari waayeen.

GARWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM