Fiqi: Taladii Soomaaliya dad kooban ayay gacanta u gashay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sheegay in 27 sano kadib taladii wadanka ay kusoo aruurtay dad kooban oo waxqabadkooduna xun yahay.

Fiqi ayaa aad u dhaliilay hanaanka maamulka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu sheegay in dhamaan balan-qaadyadii uu sameeyay uusan midna fulin.

"Soomaaliya taladeedu meel xun ayay ku socotaa, waa ayaan darro in 27 sano kadib ay dad kooban ku aruursanaato, wax allaale wuxuu balan qaadey Farmaajo waxba kama fulin," ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Wuxuu tilmaamay Xildhibaan in ay jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo si gaar ah ula wareegay taladii dalka, oo ku shaqeeya danaha dalal kale oo baasabooradooda ay wataan, kuwaasi oo awooda si qaldan u adeegsanaya.

Xildhibaan Fiqi oo horey usoo noqday Agaasiimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida [NISA], ayaa iska fogeeyay inuu kamid yahay dadka dalalka shisheeye lacagta siiyaan si ay u dumiyaan xukuumadda.

Hadalka Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Xildhibaano katirsan Aqalka hoose iyo Siyaasiyiin caan ah ay wadaan mooshin ka dhan ah Farmaajo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Mooshinkan ku wajahan Madaxweynaha la filayaa in loo gudbiyo Gudoonka Gollaha Shacabka kahor inta uusan fasaxa galin 16-ka bishan December. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM