Firdhiye: Waxaa matalaa Gobolada Waqooyi oo taageersan midnimada

Image
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Muqdisho uga qeybgalay munaasabadda 26-ka June.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqadir Axmed Aw-cali ayaa Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya kala qaybgalay Munaasibadda Xuska 64-Guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun.

“Waxaan ahay mas’uul matalaya gobolada waqooyi. Waxaan ku faraxsanahay in aniga oo xukuma gobolada waqooyi ina taagan midnimada aan kasoo qeybgalo xuska 26-da June," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa ka qaybgalay Munaasibadda 64 guurada Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun oo lagu qabtay Caasimadda SSC-Khatumo ee Laascaanood.

Hoggaamiye Kuxigeenka ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed Munaasibadan, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey bulshada SSC-Khaatumo oo door shariif ah ka qaatay halgankii Guumaysi diidka ahaa iyo Midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles