Firdhiye: Waxaa matalaa Gobolada Waqooyi oo taageersan midnimada

Image
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Muqdisho uga qeybgalay munaasabadda 26-ka June.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqadir Axmed Aw-cali ayaa Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya kala qaybgalay Munaasibadda Xuska 64-Guurada ka soo wareegtay Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun.

“Waxaan ahay mas’uul matalaya gobolada waqooyi. Waxaan ku faraxsanahay in aniga oo xukuma gobolada waqooyi ina taagan midnimada aan kasoo qeybgalo xuska 26-da June," ayuu tibaaxay.

Dhanka kale, Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa ka qaybgalay Munaasibadda 64 guurada Maalinta Gobonimada Soomaaliyeed ee 26-ka Juun oo lagu qabtay Caasimadda SSC-Khatumo ee Laascaanood.

Hoggaamiye Kuxigeenka ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed Munaasibadan, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey bulshada SSC-Khaatumo oo door shariif ah ka qaatay halgankii Guumaysi diidka ahaa iyo Midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM