Fly Dubai oo ku dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadii Muqdisho

Image
Shirkadan Diyaaradeed ayaa waxaa iska leh dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadaha Diyaaradaha Fly Dubai ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah waxa ay ugu dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtey Muqdisho.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay shirkaddan ayaa waxaa hoosta looga xariiqay in ay go'aankan uu salka ku hayo arrimo dhanka farsamadda ah wallow aysan si dhab ah uga faalloon sababaha keenay joojintan.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho taageeradii ay noo fidiyeen sanadkii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaqiijinta shirkadda Fly Dubai ee ku aadan in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtey Muqdisho ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu si weyn hoos ugu dhacay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM