Fowsiya: Daawooyin dhacay oo khatar ku ah nolosheena ayaa dalka ku jira
MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay hortegtay Aqalka Sare kaasi oo yeeshay kulankii koowaad ee ka tirsan kal-fadhiga 5aad.
Fadhiga oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha Golaha kamida waxaa gudoomiyay ku xigeenka 1aad ee Afhayeenka Senate-ka, Abdishir Bukhtaari, oo uu wehliyay ku xigeenka 2aad.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa laba qodob oo kala ahaa; ka doodista Sharciga Xaqsiinta Ciidamada oo uu Golaha Shacabka soo meel-mariyay iyo xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka.
Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Daryeelka Bulshadda ee xukuumada federaalka ah ayaa kulanka ka jeedisay khudbad ay kaga hadashay xaaladda caafimaad ee guud ahaan wadanka oo si wayn looga dayriyay.
Wasiirada oo qirtay in ay liidato adeegyada ay goobaha caafimaad ay ka helaan hooyada iyo dhalaanka ayaa balanqaaday in ay xukuumada wax ka qaban doonto arrinkaasi.
"Soomaaliya waxay kaalinta koowaad uga jirtaa dalka ugu liito ee bixiya adeegyada caafimaad ee Hooyada iyo Dhalanka, halka Finland uu noqday kaalinta koowaad," ayay raacisay.
'Daawooyin dhacay' –
Wasiir Fowsiya oo sii hadlaysa ayaa xustay in kadib baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee dalka ay yaaliin daawooyin dhacay, inkasta oo ay qirtay in aysan gebigooda ahayn.
"Ma ahan waxaan iska sheegayno … waa waxaan soo hubinay oo aan tagnay xarumaha qaar … marka waxay khatar ku tahay nolosha dadkeena," ayay hadalkeeda daba dhigay Fowsiya.
Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday wasaarada caafimaadka iyo Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxa uu kamid yahay wadamada aanan baaritaanka loo baahnaa la marsiin daawooyinka dalka soo galaya.
"Xitaa waxaa jira xarumo qaar oo markii ay dadku u tagaan siiya dadka daawooyin aan ahayn kuwii loogu talogalay, kana khatar badan kuwa dhacay," ayaa laga soo xigtay wasiir Fowsiya.
Habka ugu wanaagsan ee loo hubin karo tayada daawooyinka ayaa ah in goobaha ay kasoo dagaan sida dekada la dhigo sheybaar lagu kala shaan-dheynayo kuwa leh tayada loo baahnaa iyo kuwa dhacay.
GAROWE ONLINE