Fulinta canshuurta VAT oo la iclaamiyay xilli ay jirto caro shacab

Image
Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo aysan wali isfaham dhameystiran gaarin Dawladda iyo Ganacsatada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xalay is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.

Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxeyna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadwaynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka.

Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaadday xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dawladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM