Fulinta jadwalka doorashada madaxweynaha oo bilaabanaysa

Image
Guddiga ayaa diyaariyay goobta lagu diiwaangelinayo musharixiinta si loo hubiyo shuruudaha horyaalla musharaxa.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah billaabaya Diiwaangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha u taagan si musharixii qaata aqoonsiga rasmiga ah uga qaybgalo Doorashada dhaceysa 15-ka May 2022.

Musharixiinta ayaa dhankooda wada abaabul xooggan oo ay ku raadinayaan saxiixa xildhibaanada maadaama qofka musharaxa ah laga doonayo in uu buuxiyo Xaanshi ay ku xusan yihiin magacyada, aqoonsiyada iyo Saxiixa 20 xubnood labada Gole Baarlamaanka katirsan.

Guddiga ayaa diyaariyay goobta lagu diiwaangelinayo musharixiinta si loo hubiyo shuruudaha horyaalla Musharaxa kahor in uusan qaadan shahaadada muujineysa in uu u gudbay isu diyaarinta hadal jeedinta iyo doorashada Madaxweynaha.

Sida ku xusan jadwalka doorashada, 8 illaa 10-ka bisha ayaa la filaya in ay guddiga doorashada madaxweynaha ay musharixiinta soo dhameystirta shuruudaha laga rabo ay siiyaan shahaadooyinkooda.

Haddii qodobkan maanta la dhaqan-geliyo waxay ka dhigan tahay in fulinta jadwalka ay si rasmi ah u bilaabatay isla markaana ay xigi doonto hadal-jeedinta musharaxiinta madaxwayne.

Maalmo ka hor ayaa la soo gebagebowday codbixintii hoggaanka aqalka sare oo mucaaridku gacanta ku dhigeen. Aadan Sheekh Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa ku kala guuleystay Guddoomiyeyaasha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa qorsheeyay in 11ka iyo 12ka May 2022 uu hadal jeedin siiyo Musharixiinta si Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee dowladda Soomaaliya u dhageysto khudbadaha xubnaha xildoonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM