Gaabis ku yimid Howlgalka ka dhanka Al-Shabaab [Warbixin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo uu sii xumaanayo amaanka goboladda labadda Shabelle ee kala ah, Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ayaa waxaa ka hadlay maamulka gobolka, gaara ahaan Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Shabeellada Hoose, ee hoos-yimaada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Nuur Maxamed.

Maxamed ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda dowladda, ayaa tilmaamay in caqadaha haysta oo ay dowladdu ka gaabisay inay wax kala qabato ay kamid yahay dhanka ciidanka iyo waliba Saanad ciidan oo uu sheegay inaanu haysan wax ku filan.

Wuxuu saluug ka muujiyay in iyadda kaliya Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamo badan aanan loosoo daabulin labadda Gobol, oo uu tilmaamay inay joogaan ciidamo aanan ku filayn inay iska caabiyaan weerada Al-Shabaab.

"Kaliya marka aan Muqdisho ka hadalno waxaa ku suganay ciidamo ka badan inta Labada gobol, gaara ahaan Shabellaha Hoose jooga.Teeda kale, waxaa jirta caqabad dhanka saanadda ah, iyo xeelad Milatari la’aan,” ayuu Gudoomiye ku xigeenka yiri.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka, iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed inay dar-dar geliyaan howlgalada gobolada ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xorreeyo degaanada maamulkooda kusoo jira.

“Marka aan leeyahay xeelad ciidan, waxay tahay waxay leeyihiin saraakiisha ciidamada iyada oo dhulka Roobeysan yahay ayaan howlgal sameynaynaa marka ay Jiilalku yahay ma jiraan wax dhaqdhaqaaq ah, tani waxay tahay inaanu la doonayn horusocod,” ayuu xusay.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu kusoo beegmayaa iyada oo ciidamada ku sugan caasimada Koonfur Galbeed ee Baydhabo la geliyay Feejignaan dheeri ah, xili laga cabsi qabo weeraro Al-Shabaab ka yimaadda.

Goboladda Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay Shabaab ku leeyihiin awooda ciidan, iyaga oo ka fuliya weeraro joogta ah oo ay ku beegsadaan Fariisinka ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowlada ku leeyihiin gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM