​Gaajo loogu dhintay gobolka Shabeellaha hoose

Image

BARAAWE-Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegaya deegaano katirsan gobolka Shabeellaha hoose, waxaana la xaqiijiyay geerida hal qof oo dumar ah, halka dad badan u il daranyihiin gaajo ka taagaan deegaanada gobolkaasi.

Haweeynayda dhimatay ayaa maamulka gobolka Shabeellaha hoose sheegeen inay uur lahayd, iyagoo tilmaamay inay u dhimatay baahi soo wajahday.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xusay in hooyadaasi ku qurbaxday tuulada Ambareeso oo hoos timaada degmada Baraawe, iyadoo 30 qoys oo isla deegaankaas degganna ay khatar ugu jiraan xaaladdan oo kale.

Cali Nuur Maxamed oo ah guddoomiye kuxigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca amniga, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in dhimashadan keentay abaaro baahsan oo gobolka ka taagnaa muddooyinkii dambe, isagoo xaqiijiyay in gabi ahaanba guray Wabiga Shabeelle oo ahaa isha dad badani ku tiirsanaayeen.

Gudoomiyuhu, wuxuu cadeeyay inaysay lahayd awood dadkaasi loogu gurmado, balse gurmad u dirsadeen dowladda Somalia.

Xaaladdan, ayaa timi xilli dhawr jeer oo hore laga dayriyay xaaladda deegaanadaasi, iyadoo shacabku dalbadeen gargaar bini-aadanimo kadib markii ay wayeen xilli roobaadyadii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM