​Gaari hoobiyaal ku garaacay Muqdishu oo la qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari nooca loo yaqaano Mini Bus kaasi oo wateen mallayshiyaad la sheegay inay katirsan Shabaab oo hoobiyaal ku garaacay qaybo kamid ah degmooyinka gobolkaasi gaar ahaan Wadajir iyo Xamar Ja-jab.

Hoobiyaashaasi waxaa ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda la shaacin, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhaawaca ku dhawaad  15 ruux.

Gaarigan la qabtay ayaa laga helay quriga lagu gaaracay degmooyinkaasi iyo raasaasta hoobiyaha, waxana intaan la qaban dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamada ammaanka magalada Muqdishu iyo mallayshiyo lagu qiyaasay 4 ruux.

Dagaalkaasi, waxaa lagu dhaawacay labo kamid ah kooxdaasi oo dhammaantood baxsatay, waxaana arrintaasi warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha qaybta gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre “Cali Gaab”.

Cali Gaab, ayaa xusay in gaarigaasi oo warbaainta loo soo bandhigay ka shaqaynayay khal-khalka magalada Muqdishu, wuxuuna tilmaamay inay ku raad joogaan mallayshiyada weerarka qaaday, isagoo xusay in dhaawaca labo kamid ah loo malaynayo in la geeya mid ka mid cusbitaallada caasumadda Somalia.

Falkan, ayaa kusoo beegmay xilli ay soo badanayeen weerarada hoobiyaasha loo adeegsanayo ee lagu garaacayo meelaha muhiimka ah xarunta Somalia, waxaana dhawaan la weeraray xarunta Villa Somalia oo dhawr hoobiye lagu tuuray.

Ilaa hadda majirto waxa isbadalay kadib markii amniga loo kala qaybiyay labo meelood oo mid kamid ah lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM