​Gaari hoobiyaal ku garaacay Muqdishu oo la qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari nooca loo yaqaano Mini Bus kaasi oo wateen mallayshiyaad la sheegay inay katirsan Shabaab oo hoobiyaal ku garaacay qaybo kamid ah degmooyinka gobolkaasi gaar ahaan Wadajir iyo Xamar Ja-jab.

Hoobiyaashaasi waxaa ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda la shaacin, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay dhaawaca ku dhawaad  15 ruux.

Gaarigan la qabtay ayaa laga helay quriga lagu gaaracay degmooyinkaasi iyo raasaasta hoobiyaha, waxana intaan la qaban dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamada ammaanka magalada Muqdishu iyo mallayshiyo lagu qiyaasay 4 ruux.

Dagaalkaasi, waxaa lagu dhaawacay labo kamid ah kooxdaasi oo dhammaantood baxsatay, waxaana arrintaasi warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha qaybta gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre “Cali Gaab”.

Cali Gaab, ayaa xusay in gaarigaasi oo warbaainta loo soo bandhigay ka shaqaynayay khal-khalka magalada Muqdishu, wuxuuna tilmaamay inay ku raad joogaan mallayshiyada weerarka qaaday, isagoo xusay in dhaawaca labo kamid ah loo malaynayo in la geeya mid ka mid cusbitaallada caasumadda Somalia.

Falkan, ayaa kusoo beegmay xilli ay soo badanayeen weerarada hoobiyaasha loo adeegsanayo ee lagu garaacayo meelaha muhiimka ah xarunta Somalia, waxaana dhawaan la weeraray xarunta Villa Somalia oo dhawr hoobiye lagu tuuray.

Ilaa hadda majirto waxa isbadalay kadib markii amniga loo kala qaybiyay labo meelood oo mid kamid ah lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM