Gaari lagu xiray Qarixii ugu weynaa oo Al-Shabaab diyaariso oo la qabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Militeriga dowladda ay kahor tageen qarax weyn oo Al-Shabaab ku diyaarinaysay duleedka Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ku qabteen degaanka Sabiid Gaari nooca booyadda ah oo Al-Shabaab u diyaarisay inay ku fuliso Qarixii ugu weynaa abid oo ay ka fuliso dalka Soomaaliya kadib howlgal ay sameeyeen.

Qoraal lasoo dhigy barta Twitter-ka Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu shaaciyay in ciidamada ay markii la wareegeen degaanka kadib ay u suurta-gashay inay gacanta ku dhigeen Gaariga booyad ah ee walxaha qarxa lagu xiray iyo raggii diyaarinayay.

Tuuladda Sabiid oo qiyaastii 40-KM dhanka koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho ayaa waxaa la wareegay shalay ciidamada dowladda Soomaaliya kadib dagaal mudo kooban qaatey oo ay la galeen Al-Shabaab.

Howlgalka looga hortagey qaraxa ayaa dhacay maalintii shalay, 1-da April ee 2019, waxaana jirin war war ah oo kasoo baxay dhinac Al-Shabaab oo ku aadan qaraxa laga fashiliyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxii Zoobe, 14-kii October ee 2017 kaasoo noqday midkii ugu khasaaraha badnaa oo ka dhaca dalka, iyadoo ay ku dhinteen ku dhawaad 1,000 ruux oo shacab ahaa.

Al-Shabaab oo tan iyo 2008 dagaal kula jirtay dowladihii ugu dambeeyay ee soo maraya dalka iyo mida hadda jirta ayaa la rumeysan yahay inay qaraxayada Muqdisho ka fuliso ay kusoo diyaariso gobollada caasimadda ku dhaw [Labada Shabeelle].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM