Gaari walxaha qarxa laga buuxiyay oo Muqdishu lagu qabtay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada ammaanka dalka Somalia, ayaa maanta magalada Muqdishu xarunta ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasi oo marayay illinka hore guriga hooyooyinka magaaladaasi.

Gariga ayaa ciidamada hay'adda Nabad Sugidda ee NISA, waxay kusoo wargaliyay shacabka magalada, waxaana iyagoo xogtaasi adeegsanaya u suura gashay in la qabto ka hor intuusan oofin qorshihii loogu talagalay.

Walxaha qarxa ayaa lagu qariyay qaybta dambe gaariga oo nooca raaxada ah., waxaana laamaha ammaanku ku fur-fureen goobtii lagu qabtay.

Arrintan ayaa timi xilli dhawaan la fashilayay gaari sidaan oo kale laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana falkaasi lagu eedeeyay kooxda Shabaab oo la sheegay inay damac sanaayeen dhibaataynta shacab Somaliyeed.

Amniga Muqdishu, ayaa wali ahayn mid sugan, shalay ayayna ahayd markii hoobiyaal lagu garaacay xarunta Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM